Goolhayaha xulka qaranka Argentina ee Emiliano Martinez ayaa ku digtay Arsenal kadib markii uu xulkiisa ku hogaamiyay koobka adduunka Qatar 2022.

Emiliano Martinez ayaa door weyn ka qaatay ku guulaysiga xulkiisa ee koobka adduunka isaga oo badbaadiyay rikoodhayaal muhiim ah kulankii Final-ka iyo waliba kulankii Netherlands ee wareega 16-ka.

Goolhaye Emiliano Martinez ayaa sidoo kale sameeyay badbaadino cajiib ah oo uu xulkiisu ugu guulaystay koobka adduunka markii ugu horaysay muddo 36 sano ah.

Kadib final-ka Goolhaye Emiliano Martinez ayaa ku digtay Arsenal oo uu muddo u ciyaarayay isla markaas ka ahaa Goolhayaha 2-aad.

30 jirkan ayaa Arsenal ku soo biiray sanadkii 2010 laakiin waxa uu kaliya kooxda 1-aad u ciyaaray 12 kulan ka hor inta uuna ku biirin kooxda Aston Villa sanadkii 2020.

Emiliano Martinez oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan kaydka Arsenal fadhiyay muddo 10 sano ah”.

“Markii aan diyaar u noqday in aan noqdo Goolhayaha 1-aad waxa ay igu yidhaahdeen ma noqonaysid”.

“Laakiin maanta waxaan ahay ku guulaystaha koobka adduunka”



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here