Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya saxiixa weeraryahanka Wout Weghorst.

Man United ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga Weghorst maalmihii ugu dambeeyay iyada oo u doonaysa badalka Cristiano Ronaldo oo ka tagay kooxda.

Kooxda Man United ayaa Weghorst kula soo wareegaysa qaab amaah ah iyada oo Red Devils doonayso in ay xiddiga ku xoojiso weerarkeeda qaybta dambe ee ciyaarta.

Kooxda ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda Besiktas kala heshiisay saxiixa xiddiga kadib markii ay bixisay lacag dhan 3 milyan oo euro oo mag dhaw ah.

Kadib ciyaartii Carabao cup-ka Erik Ten Hag ayaa wax laga waydiiyay dadaalada ay kooxdiisu ku doonayso saxiixa xiddiga Weghorst.

Ten Hag oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kama hadli karo Weghorst haatan”.

“Man United waxa ay sugaysaa inta ay Besiktas helayso badalka Weghorst”ayuu sii raaciyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here