Erik ten Hag ayaa shaaca ka qaaday in Lisandro Martinez uu ka baryay isaga in uu u dhaqaaqo saxiixiisa si uuna ugu biirin kooxda Arsenal.

Lisandro Martinez ayaa lala xidhiidhinayay Man United iyo Arsenal ka hor intii uuna ku biirin Man United intii uu furnaa suuqii xagaaga.

Arsenal ayaa ahayd kooxda ugu cad-cad saxiixa xiddiga Lisandro Martinez iyada oo uu Arteta doonayay in uu ku xoojiyo daafaciisa ka hor bilowgii xilli ciyaareedka.

Laakiin Ten Hag ayaa sheegay in uu Lisandro Martinez si shaqsi ah ula xidhiidhay una sheegay in uu doonayo ku biirista Man United isla markaas uuna doonayn u dhaqaaqista Arsenal.

“Martinez ayaa doonayay in uu ka tago Man United”ayuu Ten Hag u sheegay waryska Voetbal International.

“Hadii aanan u dhaqaaqi lahayn, waxa uu ku biiri lahaa Arsenal, way doonayeen saxiixiisa waxana uu ahaa bartilmaameedkooda 1-aad”.

“Martinez ayaa ila soo hadlay waxana uu igu yidhi”Tababare,dhagayso, waan ka tagayaa Ajax, Waxa aan ku biirayaa Arsenal laakiin hadii aad adigu i doonaysid waxa aan imanayaa Man United”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here