Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa sheegay in Wout Weghorst uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankiisii ugu horeeyay ee Red Devils.

30-sano jirkaan ayaa ku biiray Man United todobaadkii hore waxana uu Red Devils ugu soo biiray qaab amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Maqnaanshaha Anthony Martial ee kulankii Crystal Palace ayaa keentay in Weghorst uu kulankiisii ​​ugu horeeyay si buuxda u saftay habeenkii Arbacada, wuxuuna ciyaaray 69 daqiiqo.

Ten Hag ayaa ku amaanay xiddiga weerarka ka ciyaara waxana uu sheegay in ay adagtahay in uu xiddig walba la qabsado kooxdiisa cusub kulankiisa ugu horeeya.

“Ma fududa. Inaad soo gasho koox si wanaagsan u socota oo u ciyaarta qaab ciyaareed ka duwan midkii aad ku soo ciyaartay”ayuu Ten Hag yidhi.

“Waxa uu si fiican u ciyaaray intii uu ciyaarayay waxana uu caawiyay Bruno iyo Antony”



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here