Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa si uga cadhooday milkiilayaasha kooxda Man United kadib markii uu Cody Gakpo ku biiray Liverpool.

Ten Hag ayaa ilaa xagaagii doonayay saxiixa xiddiga Gakpo si uu ugu xoojiyo weerarka kooxdiisa laakiin waxa uu ku fashilmay in uu kooxda keeno xagaagii.

Laakiin Ten Hag ayaa dib u soo cusboonaysiiyay xiisaha xiddiga kadib markii uu Cristiano Ronaldo ka tagay kooxda bishii Novemeber.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa saacado yar gudohood Man United ugu garaacday saxiixa xiddiga Gakpo kaas oo haatan si Rasmi ah ugu biiray Liverpool.

Sida laga soo xigtay ESPN, Erik Ten Hag ayaan ku faraxsanayn waxa ay sameeyeen Maamulka kooxdu isla markaas ku fashilmeen in ay u keenaan xiddiga.

Ten Hag ayaa xitaa qirtay in uu filayo in loo keeno Gakpo laakiin Liverpool ayaa si lama filaan ah ugu garaacday saxiixa xiddiga reer Netherlands.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here