Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay qarka u saarantahay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Thiago Silva.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee kooxda PSG final-kii kooxdiisa xalay laga qaaday champions League.

Silva ayaa haatan noqday xiddig xor ah waxana jira warar isa soo tartaya oo sheegaya in uu ku biiri doono kooxda chelsea.

Sky Sport ayaa haatan sheegaysa in ay Blues ku dhawdahay saxiixa daafaca khabiirka ah kaas oo qalinka ku duugi doono heshiis hal xilli ciyaareed ah.

Silva ayaa 8-dii sano ee la soo dhaafay joogay kooxda PSG isaga oo u ciyaaray wax ka badan 300 oo kulan tartamada oo dhan kulana guulaystay 7 horyaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here