Gool toos iyo mid rigoore ahaa , Bruno ayaa qaranka Portugal ku hogaamiyay guul weyn oo ay ka gaareen Uruguay ka din ciyaar xaraarad laheyd

Sheekada ciyarta .Waxa ay aheyd ciyaar adag ,Portugal qeybta hore iyaga ayaa ku sareeysay maamulka kubadda halisna waa ay ahaayeen halka Uruguay ku jireen daafac kaliyana rogaal celiska ah ayay ku tiirsanaayeen .

Portugal waxa ay ku fiicnaayeen cadaadiska waxa ayna kubadooda ka socotay garbaha xilli qeybta hore lagu nastay bar batrdhac bilaa goolal

Soo laabashadii , cadaadiska Portugal waa socday waxa ayna heerka maamulka kubadooda gaareysay mararka qaar %64 iyadoo goolka ay heleen daqiiqadi54-aad

Uruguay waxa ay ku tiirsanaayeen rogaal celiska ah , waxaana ka  hor taagnaa goolhayaha Portugal kaasi oo bad baado cajiib ah sameeynayay .

Uruguay dhamaadkii kubadda waa ay la qeybsanayeen Portugal balse go`aan qaadasho deg deg ah ayay ka sheeganayeen , waxa ayna Portugal heleen gool rigoore oo uu u turjumay Fernandes waqtigii dheeriga ciyaarta , waxa ayan ku dhamaatay ciyaarta laba gool oo nadiif ah

 



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here