FIFA Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Gaareysa Mudada Uu Furnaanayo Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga & Waqtiga Uu Soo Xirmayo Oo Durbaba La Shaaciyay

Advertisements

Kubada cagta ayaa isku diyaarineysa inay gasho xaalad dhaqaale xumo ah iyadoo tartamo badan oo dunida ka socday ay hakad galeen ugu yaraan muddo labo isbuuc ah iyadoo ay ugu wacan tahay caabuqa halista ah ee ku faafay dunida ee Coronavirus.

Madaama aysan jirin lacag soo galeyso kooxaha waqtigaan, waxaa socda dadaalo lagu doonayo in qasaaraha kooxaha lagu yareeyo oo la dhameystiro xilli ciyaareedka si ay kooxuhu u helaan lacagaha xuquuqda baahinta ee ka maqan.

Laakiin marka laga soo tago dhameystirka xilli ciyaareedkan waxaa iyadana laga fekeryaa xilli ciyaareedka soo socda iyo suuqa kala iibsiga madaama ay kooxaha dhaqaale xumo soo wajihi doonto.

Wargeyska Telegraph ayaa qoray in FIFA ka fiirsaneyso inay dheereyso mudada uu furan yahay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Taasoo la micno ah in heshiisyada la dhameystiri karo inta u dhaxeysa July ilaa dhamaadka bisha Janaayo iyadoo kooxaha ay saxiixyo sameyn karaan marka uu xilli ciyaareedkan soo dhamaado oo ay helaan lacagta xuquuqda baahinta.

Madaama Coronavirus uu dhulka la galay dhaqaalihii adduunka, ma jiro lacago badan oo dakhli ahaan u soo galaya kooxaha kubada cagta taasoo qasab ka dhigeysa in milkiilayaasha kooxaha ay jeebka gacanta geliyaan si ay ciyaartoy cusub ugu soo iibiyaan kooxahooda iyadoo sharciga dhaqaale wanaaga Yurub hakad la gelinayo.

Advertisements

Qodobka lagu dheereynayo suuqa kala iibsiga xagaaga waxa uu marayaa marxalad bilow ah madaama FIFA aysan haatan muhiimad weyn u arkin suuqa kala iibisga.

Laakiin su’aasha ku saabsan suuqa kala iibsiga waa ay imaan doontaa iyadoo Telegraph ay sheegeyso in suuqa kala iibsiga laga dhigi doono mid furan si kooxaha ay lacag u soo gasho inta ay kubada cagta ka soo kabsaneyso.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII