FIFA Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Qaabka Ay Kooxuhu Ula Dhaqmayaan Ciyaartoyda Heshiisyadoodu Dhacayaan Inta Aanu Xili Ciyaareedku Dhamaan.

Advertisements

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa war rasmi ah ka soo saaray sida ay kooxaha kubbada cagtu ula dhaqmayaan isbadalka ku yimid waqtigii heshiisyada ciyaartoydu dhacayay ama uu bilaamayay qandaraasyada cusub ee la saxiixay.

FIFA ayaa go’aan rasmi ah ka soo saartay in ciyaartoyda uu heshiiskoodu dhacayay June 30 ay wali sii joogi doonaan kooxaha ay ka tirsan yihiin iyada oo heshiiskooda loo kordhin doono si toos ah ilaa inta xili ciyaareedku dhamaanayo.

Intii ayna dhicin musiibada Coronavirus waxay kooxaha iyo ciyaartoydu ku xisaabtamayeen June 30 oo ah maalinta uu xili ciyaareedku dhamaado waxaana waqtigan si rasmi ah u dhici jiray heshiisyada ciyaartoyda ee dhamaadka ahaa, waxaana kadib dhaqan gali jiray heshiisyada cusub ee la saxiixay.

Laakiin iyada oo hadda dhamaan kubbada cagta horyaalada waa wayni ay u joogsadeen musiibada cudurka coronavirus waxaa gabi ahaanba isbadalay waqtigii ay xili ciyaareedyadu dhamaan lahaayeen iyada oo ay kooxaha iyo ciyaartoydu garan la’aayeen waxa ay samayn doonaan haddii la dhaafo waqtigii heshiiska isku hayay dhamaanayo oo ah June 30.

Warka FIFA ayaa lagu yidhi: “Qandaraasyada ciyaartoydu waxay caadiyan dhamaan jireen marka uu xili ciyaareedku dhamaado iyada oo taariikh dhamaadku uu ahaa xili ciyaareedka dhamaadkiisa. Iyada oo mamnuucitaanka ciyaartu uu wadamo badanka jiro, hadda waxaa xaqiiqo ah in xili ciyaareedkani aanu dhamaan doonin waqtigii ay dadku ka fikirayeen”.

“Sidada daraadeed, waxaa la soo qorsheeyay in heshiisyada la kordhiyo ilaa waqtiga uu xili ciyaareedku xaqiiqdii dhamaanayo. Tani waxay dhinacyada ula mid noqonaysaa heshiisyadii la saxiixay waxaana waajib ah  in ay ilaaliyaan sumcada iyo deganaanshaha Sportska”. ayaa qoraalka FIFA la sii raaciyay.

Waxay arintani meesha ka saartay tuhunkii iyo mad-madowgii hadheeyay waxa laga yeelayo ciyaartoyda kooxaha waa wayn ee Yurub ka tirsan ee qandaraasyadoodu dhacayaan June 30 markaas oo ay hadda xaqiiq tahay in aanu xili ciyaareedku dhamaanayn iyada oo ciyaartoydu heli doona qorshe ay wali kooxahan ugu sii ciyaarayaan iyada oo xataa la dhaafay June 30 oo heshiisyadoodu dhacayeen.

Sidaa daraadeed, ciyaartoyda iyo kooxaha ayaa hadda war rasmi ah ka helay FIFA waxayna sii wada joogi doonaan ilaa inta uu xili ciyaareedku ka dhamaanayo iyada oo qodobada isla heshiiskii hore ay ku sii wada joogi doonaan, waxayna ciyaartoyda heshiisyadoodu dhacayaan bixi doonaan isla maalinta uu xili ciyaareedku dhamaado.

Laakiin FIFA ayaa sidoo kale shaacisay in heshiisyada cusub ee la saxiixay ama ay kooxuhu ciyaartoydooda la saxiixanayaan uu bilaami doono isla marka uu xili ciyaareedku dhamaado iyada oo markii hore ay bilaami jireen July 1.

Advertisements

Waxaana qoraalka FIFA ee arintan looga hadlay lagu yidhi: “Sharci la mid ah waxaa loo adeegsanayaa waqtiga ay heshiisyada cusubi bilaamayaan oo ah bilawga xili ciyaareedka cusub, waxay tani la micno tahay in dhaqan galinta heshiisyadan dib loogu dhigi doono ilaa inta uu si dhab ah u bilaamayo xili ciyaareedka soo socdaa”.

Go’aanka FIFA soo saartay waxa uu si rasmi ah saamayn ugu yeelanayaa waqtigii uu furmi jiray suuqa xagaaga iyada oo aanu suuqu furmi doonin waqtigii hore looga bartay maadaama oo xili ciyaareedka dib loo dhigay taas oo keentay in suuqa kala iibsiga xagaagu uu furmi doono wati ka danbeeya July 1 uu hore u furmi jiray.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII