Kulan adag ayuu noqonayaa , France markii labaad xariir ah in ay qaadaan koobka aduunka halka Argentina ay ugu dambesay koobkaan oo ay qaadaan sanadkii 1986-dii
Xogta Kulanka
*Argentina ayuu final-kaan u yahay koodii 6-aad , kaliya waxaa ka sareeya Jarmalka oo 8 ah , waxa ay haminayaan inmarkii 3-aad ki guuleystaan iyadoo ay sidaas sameeyeen sanadihii 1978 iyo 1986-dii .
*France ayaa finalka soo gaartay markii 4-aad iyadoo ay horay u gaareen sanadihii 1998 , 2006,2018 , waana markii labaad xariir ah oo ay soo gaarayaan fibalka
*Kulankaan ayaa noqonayaa kii 4-aad ee koobka aduunka ee labadaan qaran dhex mara , La Albiceleste ayaa guuleysatay laba ka mid ah kulamadaas
*France ayaan wax guuldaro ah la kulmin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee koobka adduunka ay la ciyaareen xulalka South America (6 guul iyo 4 bar-baro). Runtii, guuldaradii ugu dambeysay ee caynkaas ah waxay ka timid Argentina, iyagoo 2-1 ku garaacay 1978dii heerka koowaad ee group-yada.
*Tani waxay noqon doontaa finalkii 11aad ee Koobka Adduunka oo ay ku tartamaan xulalka Koonfurta Ameerika iyo Yurub; Kooxaha Koonfurta Ameerika ayaa qaaday koobka todobo kamid ah 10-kii jeer ee hore. Si kastaba ha ahaatee, Argentina ayaa mas’uul ka ah labo ka mid ah seddexda guuldarro ee noocan oo kale ah ee soo gaartay kooxaha South America