Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Franck Kessie ayaa door weyn ka ciyaari kara fududeynta soo laabashada Lionel Messi ee kooxda Barcelona.
Halyeeyga reer Argentine ayaa si xoogan loola xiriirinayaa ku laabashada Camp Nou. Runtii, madaxda Blaugrana waxay si cad u sheegeen rabitaankooda ah inay dib u soo celiyaan xiddiga todobada jeer ku guuleystay Ballon d’Or, Messi aabihiis iyo wakiilkiisa, Jorge, ayaa dhowaan la kulmay madaxweynaha Barcelona Joan Laporta si ay ugala hadlaan suurtagalnimada soo laabashada.
Inkasta oo aan wax dalab ah oo rasmi ah lagala xaajoon inta uu socday kulankaan, haddana waxaa la sheegay in ay saameyn ku yeelatay Messi in laabashadiisu ay suurtagal tahay taas oo keentay in wakiilada Messi kooxda Al-Hilal u sheegaan in ay sugaan ilaa sanadka 2024.
Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa dhanka kale sheegay in madaxweynaha kooxda Barcelona uu balan-qaad u samayn kari waayay wakiilka Messi laakiin waxa ay isku raaceen in la heli karo xal ay Barcelona kula saxiixan karto xiddiga hadii La Liga uu ogolaado qorshaha Barcelona ee ah in ay xiddigo iibiyaan si ay u diwaan galiyaan Messi.
Halkan waa meesha uu Franck Kessie ka soo galayo arinta.
Warar ka soo baxaya Spain ayaa goor sii horeysay oo maanta ah sheegtay in ay Liverpool ka shaqaynayso sidii ay ula saxiixan lahayd xiddiga khadka dhexe ee Franck Kessie isla markaana ay diyaar u tahay in ay bixiso lacag dhan 35 milyan oo euro si ay u hesho ninkii xagaagii hore si xor ah ku yimid Camp Nou.
Inkasta oo aan la hubin wararkaas hadana Kessie ayaa door ka ciyaari kara ku laabashada Messi ee Barcelona maadama iibintiisu ay Messi ka caawinayso in uu mar kale ka ciyaaro Camp Nou.

Related



Source link