Tababaraha Kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay in Baadhitaan dheeraad ah lagu samayn doono Hakim Ziyech kadib dhaawacii jilibka ahaa ee ka soo gaadhay kulankii Brighton.

Saxiixa cusub ee chelea ayaa ku bilowday kulankii ay Chelsea la ciyaartay Brighton kana tirsanaa kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub isaga oo caawiyay goolkii 1-aad ee chelsea.

Laakiin Ziyech ayaa ku qasbanaaday in uu isaga baxo ciyaarta qaybtii dambe kadib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaadhay.

Lampard ayaa ciyaarta kadib dhaawac yar ku sheegay dhaawaca soo gaadhay xiddiga waliba baadhitaan dheeraad ah lagu samayn doono.

“Ma ahayn dhaawac culus kaliya Ziyech waxa soo gaadhay jug yar oo jilibka ah laakiin waxa lagu samayn doonaa baadhitaan dheeraad ah”ayuu Lampard yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here