Frank Lampard ayaa ku adkeysanaya Christian Pulisic ‘inuu u qalmo’ inuu xirto maaliyada No.10 ee Chelsea wuxuuna aaminsan yahay in go’aankaas uu sii dhiiri galin doono xiddiga reer America.

Pulisic ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee premeir League isaga oo dhaliyay 11 gool iyo 10 caawin 34 kulan oo uu ciyaaray.

Willian ayaa Lambarka No.10 kala wareegay Eden Hazard xagaagii hore ka hor intii uuna xiddiga reer Brazil xagaagan ku biirin Arsenal Lampard ayaana go’aansaday in uu Pulisic u xidho lambarka No.10 kooxdiisa.

Tababaraha chelsea ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in uu xididga 21 jirka ah ka soo bixi doono waxa laga filayo kadib markii uu qaatay No.10.

“Waxa aan doonayaa in uu xidho No.10 sababta oo ah waxa aan dareemayaa in uu u qalmo isaguna wuu doonayay”ayuu Lampard u sheegay NBC.

“Waxa uu yimid sanadkii hore, Willian ayaana haystay Lambarka sanadkii hore laakiin haatan waxa uu helay khibrad uu ku qaadan karo Lambarka”.

“Marka loo eego sida uu u ciyaaray sanadkiisii ugu horeeyay Christian waxa uu u qalmaa in uu xidho lambarka”.

“Waan la xidhiidhay isaga oo gurigiisa jooga waxana aan dareemayaa in uu faraxay markii aan u sheegay in uu noqon doono No.10-ka cusub ee kooxda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here