Daafaca Cusub ee kooxda Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa markii ugu horaysay tababarka la qaatay kooxda Arsenal tan ilaa markii uu ku soo biiray Guuners.

Gabriel Magalhaes ayaa ku soo biiray Arsenal xagaagan isaga oo kaga soo biiray kooxda Lille kadib markii ay Gunners ka bixisay lacag dhan 27 milyan oo euro.

Saxiixa Gabriel Magalhaes ayaa lagu dhawaaqay wakhti dambe sabab la xidhiidha in uu 14 maalin oo karantiil ah galay kadib markii uu yimid England.

Sidaas darteed xiddiga 19 jirka ah ee reer Brazil ayaa maanta tababarka la qaatay kooxda Arsenal markii ugu horaysay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Gabriel Magalhaes ayaa ka qayb qaatay tababarka ay kooxdu isugu diyaarinayso kulanka premier League ee ay sabtida la ciyaari doonaan kooxda Fulham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here