Gary Neville & Jamie Carragher Oo Ka Fal Celiyay Saxiixyada Chelsea Ee Ben Chilwell & Thiago Silva

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa Chelsea u sheegay in ay wali ka dambeeyn doonaan Liverpool iyo Man City xilli ciyaareedka dambe hadii ay la soo saxiixan waayaan Goolhaye Cusub Halka uu Gary Neville sheegay in Lacagta chelsea suuqa galisay muujinayso in uu mar kale milkiilaha kooxda ee Roma Abramovich ka go’antahay in uu kooxda xoojiyo.

Blues ayaa kaalinta 4-aad kaga dhamaystay premier Leage xilli ciyaareedkii hore waxana ay haatanba suuqa galiyeen lacag ka badan 100 milyan oo ay kula soo saxiixdeen xiddigaha Hakim Ziyech, Timo Werner iyo Ben Chilwell.

Xiddigaha daafaca ka ciyaara ee Thiago Silva iyo Malang Sarr ayaa sidoo kale si xor ah ugu yimi kooxda xilli ay Chelsea ku dhawdahay saxiixa xiddiga 80 milyan lagu qiimeeyo ee Kai Havertz.

Markii wax laga waydiiyay lacagta ay chelsea suuqa galisay ayuu Halyeeyga Mna United ee Neville u sheegay Sky Sport”15 sano Roma Abramovich ayaa doonayay in uu xoojiyo kooxda”.

“Waxa aan aaminsanahay in aaminstii uu lampard xiddigaha da’yarka ah aaminay in ay midho dhalinayso”.

“Xiddigaha da’yarka ah waxa ay ahaayeen kuwo fiican laakiin Roma Abramovich ayaa haatan doonaya in uu xoojiyo kooxda”.

Dhanka kale Carragher ayaa sheegay in Chelsea ay si aad ah ugu baahneyd inay xoojiso kooxda Lampard xagaagan laakiin waxa uu ku adkeysanayaa in goolhaye cusub weli looga baahan yahay garoonka Stamford Bridge.

“Chelsea waxa ay la soo saxiixatay 4 xiddig waan ogolahay”.

“Laakiin hadii ayna xoojin Goolka xaaladu isma badalayso wali waxa ay ka dambayn doonaan Liverpool iyo Man City”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here