Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa sheegay in ay kooxdiisii hore u baahantahay 4 ilaa 5 saxiix oo cusub hadii ay doonayaan in ay xilli ciyaareedka dambe u tartamaan hanashada horyaalka premier League.

Man United suuqa galisay lacag ku dhaw 200 xagaagii hore taas oo kooxda Ole Gunnar Soslkaer ka caawiysay in ay kaalinta 3-aad kaga dhamaysto premier Leageu.

Si kasta ha ahaatee United ayaa 33 dhibcood ka dambaysay kooxda Liverpool ee ku guulaystay horyaalka halka ay 15 dhibcood ka dambaysay kooxda Man City.

Kooxda Man United ayaa xagaagan sii wadi doonta xoojinta kooxda iyada oo ku dhaw dhamaystirka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee  Donny van de Beek.

Laakiin Neville ayaa rumaysan in ay United wali u baahantahay in ay boosas badan iska xoojiso inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

“Kooxda Man United ee haatan awood uma lahan in ay u tartanto prmeier League xilli ciyaareedka cusub”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

“Kooxdu wali waxa ay u baahantahay in ay samayso 4 ilaa 5 saxiix oo cusub, waxa aan sidaas sheegayay muddo sanad ah”.

“Waxa ay u baahanyihiin daafac dhexe, xiddig khadka dhexe ah, xiddig garabka ka ciyaara, Weeraryahan toos ah iyo waliba garabka daafaca Bidix”.

“Sidaas darteed waxa ay u baahantahay 4 ilaa 5 xidig oo cusub”ayuu hadalkiis sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here