Gary Neville ayaa difaacay Erik ten Hag kadib markii uu ku guul daraystay in uu Casemiro ka ilaaliyo ganaaxa kadib markii uu ku bilaabay kulankii Crystal Palace.

Waxana uu ka cabsi qabaa in maqnaanshaha saamaynta xiddiga reer Brazil ay keeni karto in ay Man United guuldaro kala kulanto Arsenal kulanka Axada.

Red Devils ayaa ku dhawayd in ay gaadho guusheedii 10-aad oo xidhiidh ah tartamada oo dhan laakiin Crystal Palace ayaa bar-baro ku qabatay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Xaalka United ayaa xumaaday kadib markii kaadhka digniinta ah loo taagay xiddiga Casemiro kaas oo haatan seegi doona kulanka Arsenal ee Axada.

“kaadhka digniinta ah ee loo taagay Casemiro Waxa ay ku tahay Man United dhirbaaxo”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

“Waxaan u maleynayay in Casemiro uu ciyaari doono, ma doonayn in la nasiyo kulankii Palace sababta oo ah waxa uu muhiim u yahay kooxda”.

“United haatan waa in ay soo laabato Axada kulanka weyn ee Arsenal”

“Man United waxa ay garaacday Arsenal iyaga oo aan haysan Casemiro, Haatan waa in ay u ciyaaraan si fiican, u difaacdaan si fiican gaar ahaan 30-ka daqiiqo ee ugu horeeya marka ay Arsenal dar-dar ku bilaabato ciyaarta”.

“United waa in ay si fiican isugu xidhnaato qaybta hore ee ciyaarta kadib qaadaan weeraro rogaal celis ah”.

“Laakiin Marka la eego maqnaanshaha Casemiro, waxa aan filayaa in ay Arsenal badiso Axada”



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here