Maamulka Chelsea ayaa kalsooni ku qaba in Graham Potter uu weli yahay ninka ku haboon inuu Hogaamiyo mashruuca kooxda ee dib u dhiska inkasta oo ay kooxdu natiijooyin xun ku jirto kulamadii ugu dambeeyay.

Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta 10-aad ee kala saraynta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib guuldaradii ka soo gaadhay Man City.

Tababarihii hore ee Brighton shaqada ka badalay Thomas Tuchel kadib markii tababaraha shaqada laga caydhiyay bishii September.

Laakiin Chelsea ayaa si weyn u dhibaatoonaysa tan ilaa markii Graham Potter noqday tababaraha kooxda chelsea.

Taageerayaasha chelsea ayaa bilaabay in ay dalbadaan shaqo ka caydhinta Potter kadib markii ay kooxdu natiijooyin xun heshay.

Laakiin Maamulka Blues ayaa ku kalsoon in uu yahay tababare Potter in uu yahay tababaraha saxda ah ee kooxda hogaamin doona mustaqbalka.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here