Tababaraha Kooxda chelsea ee Graham Potter ayaa ka hadlay sababta uu xiddiga Raheem Sterling ugu dhibaatoonayo kooxda chelsea ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Sterling ayaa chelsea kaga soo biiray Man City suuqii xagaaga laakiin ilaa haatan ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo kooxda chelsea.

“Raheem waxa uu soo galay koox cusub oo lumisay ciyaartoy muhiim ah xagaagii, waxana la keenay xiddigo cusub kadib waxa la badalay tababaraha”ayuu Potter u sheegay Evening Standard.

“Sidaas darteed kooxda marka laga eego dhanka shaqada uma aysan shaqeynin sida aan filayo. Raheem iyo dhamaan ciyaartoyda ayay dhibaato kasoo gaadhay arintaas”.

“Waa khalad in aan sheego in uu Raheem soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, laakiin isaga kaligiis maaha, aniga ayay masuuliyadayda tahay in aan caawiyo kooxda kana caawiyo in ay si fiican u ciyaaraan”.

“Sterling waxa uu leeyahay tayo fiican waana ciyaaryahan aad u sareeya”ayuu sii raaciyay.

Sterling ayaa dhaliyay shan gool waxaana uu caawiyay labo gool 19 kulan oo uu u saftay Chelsea xilli ciyaareedkan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here