Granit Xhaka oo ka hadlaya dhaawaca Gabriel Jesus iyo suurtogalnimada uu Eddie Nketiah u soo gali karo booskiisa Arsenal, Granit Xhaka ayaa yidhi: “Ma garanayo inta uu dhaawacu le’eg yahay, laga yaabee laba ama saddex bilood, waxaan filayaa, laakiin waa nin xoog badan.

“Dhaawac yar ayaa soo gaadhay, waxa aan filayaa in aan taageeri doono isaga, wuu ogyahay in aan ka dambayno waxa aan rajaynayaa in uu sida ugu dhkhsaha badan u soo laabto”.

“Waxaan haysanaa Eddie Nketiah, waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican wakhti hore, waa in aan isaga taageerno haatan, waxa uu door weyn ka ciyaari doonaa kulamada so socda”.

“Waxa sugi laayahay kulamada soo socda sababta oo ah Nketiah Waxa uu kooxda keenayaa tayo”.

Xhaka ayaa u muuqda inuu ku kalsoon yahay awooda Nketiah inuu noqdo bedelka ugu fiican ee Jesus kaas oo garoomada ka maqnaan doona muddo 3 bilood ah.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here