Guddoonka Sare Ee Xiriirka FA-ga Oo Man United Ka Codsaday Iney Ku Wareejiyaan Warbixinta Dhaawaca Marcus Rashford & Sababta Oo La Ogaaday.

Advertisements

Gudoonka sare ee xiriirka kubadda cagta Ingiriiska (FA) ayaa codsasday in lagu wareejiyo xogaha dhaawaca Marcus Rashford xilli la warinayo inuu xiddigaan seegi karo koobka qaramada yurub ee sanadkaan lagu qaban doono dhawr magaalo oo yurub ka tirsan.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaki galiyay hadii Marcus uu mar kale ciyaari karo fasalkaan, amaba uu taam buuxa u noqon karo koobka Euro2020.

Shaqaalaha caafimaadka xulka England ayaa wadahadal la galay Man United, waxeyna weydiisteen in looga warbixiyo xogahii ugu dambeeyay dhaawaca Marcus kaas oo jab yar uu kasoo gaaray lafaha dhabarka.

Soo kabashada Rashford waxey qaadan kartaa muddo ka dheer intii la rajeynayay markii hore, waxaa la filayay inuu bisha soo aadan soo laaban karo, balse hadda uma muuqato.

Tababaraha England (Gareth Southgate) ayaa horay uga walwalsanaa dhaawaca Harry Kane oo ilaa iyo April aan garoomada lagu arki doono, balse arinta Rashford waa mid kale oo walaaca sii kordhisay.

Advertisements

England kulankooda ugu horreeya waxey 14-ka June la ciyaari doonaan xulka Croatia, waana mid ka mid ah kulamada ugu adag ee tartanka.

Waxaa la fahamsan yahay in shaqaalaha caafimaadka xulka England oo wakiil ka ah gudoonka sare ee FA-ga ay dhabarka saartaan taxadarka soo kabashada xiddigaan, waxaana suuragal ah iney kala shaqeeyaan kooxda sidii uu xiddiga taam buuxa u noqon lahaa xilli ka horreeya sida ay hadda filashada tahay.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII