Hadii Uu Neymar La Doonayo Real Madrid, Xiriirka Uu La Leeyahay & Casemiro Oo Kashifay Koobka Uu Doorbidayo La Liga Iyo Champions League.

Advertisements

Kubad burburiyaha kooxda Real Madrid Casemiro aayaa banaanka soo dhigay jaceylka uu u qabo inuu kooxda kula midoobo saaxiibkiisa xulka ee Neymar Junior.

Xiddiga reer Brazil waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay lala xiriirinayay inuu ka tagayo Paris Saint Germain, waxaana aad loogu dhaweeyay Barcelona & Real Madrid.

Casemiro wuxuu doonayaa inuu Neymar ku arko Los Blancoss, sidoo kalana wuxuu qiraya inuuu mar walba la hadlo.

“Waxaan doonayaa in Neymar uu yimaado Real Madrid, waan la hadlaa maalin walba, waa xiddig weyn” ayuu Casemiro u sheegay Jose Ramon de la Morena oo fadhiya idaacadda Onda Cero.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in ciyaartoyda Los Blancos ay mar walba doorbidaan koobka horyaalada yurub marka loo barbardhigo La Liga.

Advertisements

“Horyaalka waa waxa si joogto ah loo soo bandhigo sanadka dhan, waa isbuuc walba, balse marka la joogo Bernabee lana maqlo astaanta Champions League, Madrid waa mid ka duwan”

“Waxaan doorbidayaa Champions League”

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII