Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Ajax.

Donny van de Beek ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee uu Ole Gunnar Solskjaer ku xoojiyo kooxdiisa xagaagan waxana uu shaxda Red Devils gaar ahaan khadka dhexe ka dhigi doonaa mid aan la loodin karin.

Xididga reer Holland oo wacdaro dhigay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ayaa shaxda khadka dhexe ku wehelin doona xiddigaha haatan Paul Pogba iyo Bruno Fernandes.

23 jirkan oo ku fiican dhanka caawinta goolasha, dilista kubada iyo waliba laadadka dhaadheer ayaa kooxda Man United ka dhigi doono mid ka mid ah kooxaha ugu khadka dhexe fiican Premier League iyo waliba yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here