David Seaman ayaa sheegay in fursada ay Arsenal kula soo saxiixan karto Jude Bellingham ay ku xidhantahay booska ay kaga dhamaystaan xilli ciyaareedkan.

Waxa uu u sheegay Express Sport: “Arsenal, waxa aan aaminsanahay in ay haystaan fursad macquul ah si ay u helaan saxiixiisa”.

“Laakiin waxa ay ku xidhantahay sida ay ku dhamaystaan xilli ciyaareedka”

“Waa wax lala yaabo in aan ku dhawaanay kala barka xilli ciyaareedka isla markaas dib loo soo laaban doono kadib koobk adduunka, waan jecelahay in aan Bellingham ku arko Arsenal, waa xiddig cajiib ah waxana uu England u sii ciyaari doonaa 10-ka sano ee soo socda”.

Bellingham ayaa noqon doona xiddig bartilmaameed u noqon doona kooxo badan oo reer yuurub ah kuwaas oo 19 jirka ku dagaalami doona saxiixiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here