Kooxda Liverpool aya si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham.

Liverpool ayaa tan ilaa xagaagii hore lala xidhiidhinayay saxiixa Jude Bellingham iyada oo uu Klopp doonayo in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe.

Ilaa haatan Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga iyada oo Reds doonayso in ay hesho xiddiga wax walba oo dhaca.

Liverpool ayay u badantahay in ay ilaa xagaaga u dhigto saxiixa xiddiga maadama ayna Dortmund diyaar u ahayn in ay iibiso xiddiga suuqa bisha January.

Laakiin wargayska The Athletic ayaa haatan kashifay sir kale oo ku saabsan baacsiga ay Liverpool ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool u baahantahay in ay gaadho wareegyada dambe ee campions league xilli ciyaareedkan si ay dhaqaale ahaan awood ugu yeelato saxiixa xiddiga xagaaga dambe.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa la filayaa in ay dalbato lacag ka badan 120 milyan oo euro hadii ay iibinayso xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham.

Xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham ayaa dhaliyay 3 gool 2 kalena caawiye ka noqday 15 kulan oo uu ciyaaray horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here