Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa warqada bixitaanka u gudbiyay Maamulka kooxdiisa isaga oo u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Kadib arintaas Messi ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa koox dhawr ah waxnaa ka mid ah kooxda Man City Kuwaas oo uu hogaamiyo tababare ay Isla soo shaqeeyeen Lionel Messi.

Guardiola ayaa si fiican u garanaya Lionel Messi waxana jira haatanba qorshe ay kooxda Man City u dagsatay in ay la soo saxiixato xiddiga reer Argentine.

Waxa jira warar kala duwan oo xitaa sheegaya in uu Guardiola la xidhiidhay xiddiga si uu ugu qanciyo in uu Etihad yimaado inta lagu jiro xagaagan.

Wargayska The Sun ayaa soo saaray shaxda laga yaabo in ay Man City ku ciyaarto iyo halka uu Messi ka gali karo hadii uu ku soo biiro kooxda

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here