Wararkii ugu dambeeyay ee England ayaa shaaca ka qaaday halka ay marayso baacsigii ay kooxda Liverpool ugu jirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara.

Saxafiga aadka ugu dhaw Liverpool ee James Preace ayaa sheegay in ay Kooxda Liverpool heshiis Rasmi ah oo dhamaystiran la gaadhay xiddiga khadka dhexe iyo waliba wakiiladiisa iyada oo uu xiddigu ogolaaday in uu ku biiro Liverpool.

Shabakada Sky Sport ayaa dhankeeda sheegaysa in ay Liverpool wali diidantahay in ay bixiso lacagta ay Bayern Munich dalbanayso si ay u iibiso xiddiga khadka dhexe.

Shabakada ayaa sheegaysa in ay liverpool doonayso saxiixa xiddiga laakiin aan diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta 30-ka milyan ee ay Bayern dalbanayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here