Halyey Dunida Magac Ku Lahaa Oo Geeriyooday Iyo Qoyskiisa Oo Ka Hadlay Sababta Dhimashadiisa

Advertisements

Tababarihii xulka qaranka Faransiiska ee u qaaday Euro 1994-kii, Michel Hidalgo ayaa ku geeriyooday magaalada Marseille ee waddankaas, kaddib sannado badan oo uu xanuunsanayay.

Waddanka France oo ku jira murugada dadka faraha badan ee u geeriyoonaya xanuunka Coronavirus ayaa waxa ugu darsamay warka sheegaya in tababaraha astaanta halyeynimada ugu suntan ee Michel Hidalgo uu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaallay magaalada Marseille.

Qoyska Michel Hidalgo ayaa u sheegay idaacad ku taalla dalkaas in tababarahan hore uu muddo sannado ah xanuunsanayay, isla markaana aanay dhimashadiisa keenin Coronavirus ee ay tahay mid ‘si dabiici ah u dhacday’.

Michel Hidalgo oo xulka Faransiiska tababare u ahaa muddadii u dhaxaysay 1976 illaa 1984-kii, ayaa shaqada kubadda cagta ka fadhiistay markii dalkiisu uu 2-0 ku garaacday Spain finalkii Euro 1984, waqtigaas oo xiddigaha hoggaaminaya France uu hormood u ahaa Michel Platini oo ahaa kabtanka, isla markaana dhaliyey sagaal gool intii uu tartankaasi socday.

Laba sannadood ka hor intii aanay ku guuleysanin Euro 84, Michel Hidalgo waxa uu dalkiisa keenay semi-finalka Koobka Adduunka, waxaana reebay Jarmalkii Galbeed.

Advertisements

Farriin uu soo dhigay bartiisa bulshada, ayaa Platini uu ku sheegay in Michel Hidalgo uu ka tegay taariikh weyn, isla markaana uu dhisay xulk qaran oo heer caalami ah.

Waxa kale oo uu Michel Platini sheegay in Michel Hidalgo uu dalkaas ka hirgeliyey kubbad qurux badan oo ciyaartoyda u ogolaatay inay hibadooda iyo tayadooda ciyaareed soo bandhigaan.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII