Weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay inuu ku biiro Manchester United xagaagan.

29-sano jirkaan, oo 30-sano jirsan doona bisha July, ayaa gali doona 12-ka bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Tottenham, wadahadalo heshiis kordhin ayaanan furimin ilaa haatan.

Inkasta oo ay Tottenham ku jirto qaab ciyaareed liita hadana Kane ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee goolka hortiisa, isagoo dhaliyay 15 gool 20 kulan oo Premier League ah.

Kabtanka England ayaa guud ahaan Tottenham u dhaliyay 265 gool 414 kulan oo tartamada oo dhan ah waxana uu kaliya hal gool u jiraa in uu bar-bareeyo Jimmy Greaves xiddiga ugu goolasha badan Tottenham.

Kane ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah weeraryahanada ugu wanagsan aduunka,laakin wali wax koobab ah kuma guulaysan waxana jira warar sheegaya in uu tartan cusub raadsan doono sanadaha ka xidhamn xirfadiisa ciyaareed.

Xiddiga Tottenham u xidhan No.10 ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Man City sanadkii 2021 laakiin Tottenham ayaa dul saartay lacag dhan 150 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay The Mail, Man United ayaa qorsheyneysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga xagaaga si ay ugu xoojiso weerarkooda iyada oo Erik ten hag doonayo weeraryahan cusub.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here