Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ogolaatay inay heshiis la gaarto daafaca Eintracht Frankfurt Evan Ndicka.

Daafaca dhexe ayaa Heshiiskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Il Romanista Arsenal ayaa heshiis la gaartay xiddiga reer France si uu ugu biiro kooxda marka uu dhoco heshiiskiisu.

Gunners ayaa lagu soo waramayaa in ay saxiixa xiddiga ku garaacday kooxda Roma kuwaas oo doonayay saxiixiisa.

Roma ayaa doonaysay in ay daafaca u dhaqaaqdo suuqa January laakiin xiddiga Ndicka oo 23 jir ah ayaa doonaya in uu sii joogo kooxdiisa Frankfurt qaybta dambe ee xilli ciyaareedka si uu u sii ciyaaro champions League.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here