Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya in ay Kooxda Juventus ku guulaystay saxiixa xiddiga aadka loo qiimeeyo ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Houssem Aouar.

Xiddiga reer France ee Houssem Aouar ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay labadii sano ee ugu dambeeyay isaga oo bartilmaameed u noqday kooxo badan oo reer yurub ah.

Wargayska La Stampa ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus kooxaha u tartamaya saxiixa xiddiga ku garaacday saxiixa xiddiga Houssem Aouar laakiin kooxda ayaan ku dhawaaqi doonin heshiiska ilaa ay kooxdu iska iibinayso xiddigaha uuna Pirlo doonayn.

Lama oga qiimaha ay juventus ogolaatay laakiin Lyon aya dalbanaysa lacag dhan 50 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here