Heshiiskii Goolhaye Marc ter Stegen Ee Barcelona Ee Khilaafku Ka Jiray Oo War Cusubi Ka Soo Baxay.

Maamulka kooxda Barcelona iyo goolhayaha kooxda kowaad ee Marc ter Stegen ayaa isku khilaafsanaa muddo dheer heshiis cusub oo la doonayay in uu ku sii joogo Camp Nou laakiin hadda waxaa laga helay war cusub.

Intii xili ciyaareedkan lagu soo jiray waxay maamulka Barcelona doonayeen in ay heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxiixdaan goolhaye Marc ter Stegen laakiin waxaa jiray khilaaf iyo ismari waa sabab u noqday in wada hadaladu joogsadeen.

Laakiin hadda waxaa soo baxay war sheegaya in Barcelona ay wada hadal cusub la furtay goolhaye Marc ter Stegen waxaana hadda meesha ka baxay ismariwaagii xiisaha badan u abuuray kooxaha waa wayn ee kubbada cagta Yurub.

Wargayska Sport ayaa shaaciyay in wada hadaladii Barcelona iyo Marc ter Stegen ay hadda si fiican u socdaan oo horumar wayn laga sameeyay si uu qandaraas cusub ugu saxiixo kooxdiisa.

Heshiiska goolhaye Ter Stegen ee Barcelona ayaa dhacaya sanadka 2022 laakiin waxay doonayaan in ay meesha ka saaraan shakiga wayn ee soo galay mustaqbalkiisa iyada oo lala wado wada xaajood heshiis cusub oo waqti fog ah looga saxiixayo.

Heshiiska cusub ee ay Barcelona doonayso in ay ka saxiixato Ter Stegen waxay uu noqon doonaa mid sare loogu qaadayo mushaarkiisa waxaana looga dhigi doonaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan Camp Nou.

Barcelona ayaa qorshaynaysa in heshiiska cusub ee Ter Stegen uu noqon doono mid gaadhaya ilaa sanadka 2025 taas oo gabi ahaanba meesha ka saari doonta xiisaha kooxo waa wayn oo Yurub ah oo hunguri ka galay adeega Ter Stegen markii uu wada hadalku burburay.

Wada hadalada heshiis kordhinta Ter Stegen iyo Barcelona ayaa soo socday tan iyo bishii December ee sanadkii hore laakiin waxay soo ahaayeen kuwo ay labada dhinac aad ugu kala fogaayeen.

Maamulka Barcelona ayaa muhiimad wayn ka dhiganaya in ay meel iska saaraan heshiis kordhinta Ter Stegen kaas oo ka mid ah ciyaartoyda kooxda ugu muhiimsan waxayna hadda wararku sheegayaan in horumar la sameeyay.

Ter Tegen iyo wakiiladiisa oo markii hore mushaar aad u sareeya ku cadaadinayay Barcelona ayaa fahansan in hadda saamaynta dhaqaale ee kubbada cagta uu dhulka dhigay Fayraska Karoona ayaa la filayaa in isku dhawaanshaha uu sii kordhin doono.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa hadda war fiican ka helaysa wada xaajoodka horumarka laga sameeyay ee heshiiska loogu kordhinayo Ter Stegen oo ka mid ah goolhayayaasha aduunka ugu fiican.

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Source: laacibfm

WARARKII