Xulalka Cameroon iyo Serbia ayaa isaga hor iman doona garoonka Al Janoub Stadium kulan ka tirsan koobka adduunka Group-ka G.
Labada xul ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay guushoodii ugu horaysay ka gaadhaan tartanka sanadkan kadib markii ay guuldaro ku bilowdeen tartanka.
3-da dhibcood ee kulanka ayaan u qaybsamin labada xul hadii ay doonayaan in ay rajo ka helaan u gudbista wareega xiga ee tartanka koobka adduunka.
Kulanka: Cameroon Vs Serbia
Tartanka: Koobka Adduunka
Wakhtiga: 1:00
Garoonka: Al Janoub Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee dhex mara labada xul tan ilaa 2010 markaas oo uu xulka Serbia ku badiyay 4/3 kulan saaxiibtinimo ahaa.
Serbia ayaa guuldaro kala kulantay koobka adduunka labadii xul ee African-ka ahaa ee ay la ciyaartay tan ilaa markii ay xoriyadeeda qaadatay iyaga oo guuldaro kala kulmay Ivory Coast 2006 halka ay 2010 guuldaro kala kulmeen Ghana.
Cameroon ayaa laga badiyay 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee koobka adduunka iyada oo guuldarooyinkaas ka kala yimaadeen 4 tartan oo kala ah 2002, 2010, 2014 iyo 2022.
Serbia ayaa laga badiyay 8 ka mid ah 10-kii kulan ee ay ciyaareen koobka adduunka tan ilaa markii ay xoriyadooda qaateen waana rikoodhka ugu badan ee taariikhda tartanka.