Kooxda Chelsea ayaa marti galinaysa kooxda Crystal palace Kulan ka tirsan premier League kulan ka dhici doona Old Trafford.

Blues ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ka baxaan natiijooyinka xun ee horyaalka premier League kulamadii ugu dambeeyay.

Dhinaca kale Crystal palace ayaa doonaysa in ay gaadho guul ka caawisa in ay ku soo laabato wadada guulaha premier League.

Kulanka: Chelsea Vs Crystal Palace

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa badisay 10-kii kulan ee ugu dambaysay ee ay premier League la ciyaartay Crystal Palace waxana ay bar-barayn karaan rikoodhka guulaha ah ee ay ku leeyihiin koox kale kadib markii a Sunderland ka badiyeen 11 kulan.

Crystal palace ayaa ugu yaraan laga dhaliyay hal gool mid kasta oo ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League la ciyaartay chelsea kaliya Liverpool oo ay 19 kulan kala kulantay ayaa ka badan Blues.

Laba ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambaysay ee premier League dhex maray kooxaha chelsea iyo Crystal palace ayaa bar-baro ku dhamaaday tan ilaa wakhtigaas, 23-kii kulan ee ugu dambeeyay ayaan ku dhamaan wax bar-baro ah.

 



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here