Chelsea ayaa kulan adag waxa ay la leeyihiin Newcastle , waxa ayna ka hor tagayaan kooxdaas iyaga oo ugu yaraan dhaliyay sedex gool 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaareen

Xogta Kulanka.


Kulanka: Newcastle Vs Chelsea


Tartanka: Premier League


Wakhtiga: 3:30

Garoonka: St. James’ Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

* Chelsea ayaa guuleystay 5 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay hortaalka ee ay la kulmeen Newcastle United.

* Newcastle kaliya hal kulan ayay guul darteysteen 7-dii kulan ee ugu dambeeyay garoonkooda oo ay Chelsea ku qaabileen iyadoo horyaalka la joogo.

* Newcastle ayaa hamineysa in markii labaad oo xariir ah oo horyaalka ah ay ka badiyaan Chelsea .

* Chelsea ayaa bilaa guul darro ah 11 kulan dhamaan tartamada , lix ka midna waa horyaalka Ingiriiska

* Timo Warner ayaa noqon kara kulankaas , ciyaaryahankii ugu horeeyay Chelsea ee 5 kulan isku xiga gool dhaliya dhamaan tartamada tan iyo November 2009-kii waxaana waqtigaas sidaas sameeyay Didier Drogba

* Goolhaye Mendy kaliya laba gool ayaa shabaqiisa gaaray dhamaan 8-da kulan ee uu Chelsea u saftay dhamaan tartamada

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here