Kulanka ugu xiisaha badan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan ayaa dhexmari doona kooxaha Tottenham iyo Man City kulan ka tirsan todobaadkii 9-aad ee horyaalka.

Tottenham iyo Jose Mourinho ayaa kulanka soo galaya iyaga oo kaalinta 2-aad kaga jira horyaalka premier League waliba badiyay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Dhanka kale kooxda Man City iyo Pep Guardiola ayaa soo galaya iyaga oo kaalinta 10-aad ku jira kaliyan 2 kulan badiyay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.


Kulanka: Tottenham Vs Man Man City


Tartanka: Premier League


Wakhtiga: 8:30


Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tottenham ayaa badisay kulankii wakhtigan oo kale ee ay la ciyaarttay Man City xilli ciyaareedkii hore iyaga oo ku garaacay 2/0 soona afjaray 4 kulan oo ay guul la’aan ahaayeen kulamada ay ka hor tagaan Man City.

Kaliya Chelsea oo 26 ah ayaa Tottenham ka badan guuldarooyinka ay kala kulantay kooxda Tottenham oo guuldaro kala kulantay Man City 24 kulan.

Tottenham ayaa Garaacday labadii kulan ee ay Man City kula ciyaartay garoonkeeda Tottenham Hotspur Stadium tartamada oo dhan, markii ugu damabaysay ee ay 3 kulan oo xidhiidh ah garaaceen waxa ay ahayd intii u dhexaysay 2005 ilaa 2009 markaas oo ay 6 kulan ka badiyeen.

Tottenham ayaa kaliya laba guuldaor kala kulantay Man City 20-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay wada ciyaareen iyaga oo ka sareeya Man City Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here