Real Madrid ayaa dalab rasmi ah ka heshay kooxda  ka dhisan horyaalka Sacuudiga kuwaasi oo si dhab ah u doonaya saxiixa Modric

Wariyaha reer Spain Ramon Alvarez ee ku xeel dheer isna arimaha suuqa ayaa hoosta ka xariiqay in Modric dalab qaali ah uu ka haysto kooxda reer Sacuudi ee Alnasr kuwaasi oo saxiixiisa doonaya inta suuqa jiilaalka uu furan yahay .

Sidaas oo ay tahay Real waxa ay u muuqdaan kuwo weli aan ku xasilin rogrogida bogga hishiis kordhinta Modric inkastoo dalab sareeya uu haysto .

Waxaa la xusay in Modric loo soo bandhigay hishiis gaaraya laba sano oo uu halkii xilli ciyaareed uu ku qaadanayo mushaar gaaraya 20 milyan oo euro

Hishiiska Modric ee Real waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan  sidaa darteed kooxda uu doono ayuu haatan wadahadallo la furi karaa haddii Real rabin in ay iibiyaan inta ka harsan qandaraaskiisa .

Alnasr ayaa dhawaan hishiis dunida ka yaabiyay waxa ay qaab xor ah kula wareegeen Ronaldo ka dib markii hishiiskiisii United si nabad ah loo fasaqay

 

 



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here