Dhan waliba Ingiriiska ayaa ka wacnaa inkastoo qeybtii hore lagu nastay bilaa goolal
Wales waad ku adkeyd in cagta kubadooda ku hayaan , durba waa ay qasaarinayeen waxaana lagu ciqaabay kubad hayasho
Goolasha Ingiriiska oo is xigay qeybta labaad ayay dhasheen Foden iyo Rashford laba lahaa ayaa looga mahad celinayaa
Kubad haysashada Ingiriiska mararka qaar waxa ay gaareysya %73
Ingiriiska is fahan weyn ayaa ka dhaxeeyay bilaa cadaadis ayayna ciyaarayeen halka Wales qaladaad dafaac iyo mid baasas ah ay ka dhacayeen .
Wales labadii gool ee deg deg ayay ka qaadeen niyad jab waana dhiibeen ciyaarta xilli Ingiriiska iska maamusheen kubadda , waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay sedex gool oo nadiif ah