Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u yihiin in ay Chelsea u soo bandhigto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Lautaro Martinez si ay u helaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee N’Golo Kante.

Tababarihii hore ee chelsea ee Antonio Conte ayaa la fahamsanyahay in uu doonayo in uu la midoobo Kante isaga oo ka dhigtay bartilmaameedkiisa ugu weyn si uu ugu tartansiiyo Inter Horyaalka.

Blues ayaan meesha ka saarin in ay iska iibiso xiddiga reer France laakiin waxa ay dalban doonaan lacag aad u badan.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay Inter Milan diyaarinayso in ay heshiiska Kante ku darto xiddiga aadka loola xidhiidhinayo Barcelona ee Lautaro Martinez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here