Isbedelka Ku Dhacay Lionel Messi Intii U Dhaxeysay Abaalmarintiisii 1aad Ee Ballon d’Or Iyo Midiisii Lixaad Ee Xalay Ku Guuleystay

Advertisements

10 sannadood ayaa laga joogaa tan iyo markii uu Lionel Messi ku guuleystay abaalmarintiisii ugu horeysay ee Ballon d’Or, waxaana uu xalay oo Isniin aheyd ku guuleystay abaalmarintii lixaad oo ku qaaday magaalada Paris.

Messi ayaa soo gabagabeeyay seddex sannadood uu seegay abaalmarintaan isagoo arkay Cristiano Ronaldo oo labo jeer qaaday iyo Luka Modric oo hal jeer ku guuleystay xiddiga ugu fiican dunida.

Messi-gii 2009 waxa uu si weyn uga duwan yahay midka aan maanta aragnol. Jir ahaan ayuu ka duwanaa, timo dheer ayuu lahaa, gar ma uusan laheyn da’diisana waxa ay aheyd kaliya 22 sannadood isagoo markaas dhaliyay 91 gool 179 kulan uu saftay, waxaana uu xilligaas hantay 10 koob.

Shaxdii Barcelona Ee Xilli Ciyaareedka 2009/10

Manuel Pinto, Sylvinho iyo Gabi Milito waxay saaxiibo dhow la ahaan Messi waqtigaas. Ma uusan ku guuleysanin waqtigaas gooldhalinta La Liga oo waxaa xilli ciyaareedkii 2008-09 hantay Diego Forlan.

Laakiin xilli ciyaareedkii 2009-10 waxa qaaday gooldhalinta waxaana uu noqday xiddig aan la celin karin.

Messi waxa uu ka dib ku guuleystay seddex Ballon d’Or kale iyo intii uu ka hoos shaqeynayay Pep Guardiola iyo Tito Vilanova ka hor inta uusan Cristiano Ronaldo ku guuleysanin sannadihii 2013 iyo 2014 laakiin xiddiga reer Argentina ayaa abaalmarintiisii shanaad hantay sannadkii 2015.

Maanta, 10 sannadood ka dib abaalmarintiisii ugu horeysay, Messi waa mid maskax ahaan iyo jir ahaanba koray, waxa uu noqday hogaamiye garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba ah.

Shaxdii ugu danbeysay ee Barcelona

Intii u dhaxeysay abaalmarintiisii koowaad iyo midii lixaad ee Ballon d’Or, Messi waxa uu ciyaaraya 522 kulan, waxa uu badiyay 377 kulan waxaana uu dhaliyay 522 gool.

Waxa uu ku guuleystay 24 koob, todoba La Liga, labo Champions League iyo shan Copa del Rey.

Waxa uu badiyay boqolkiiba 66 kulamadii uu ciyaaray oo dhan, laakiin intii u dhaxeysay 2009 iyo 2019 waxa uu badiyay boqolkiiba 72.

Mudadaas waxa uu Barcelona qandaraaska u kordhiyay seddex jeer: 2012, 2014 iyo 2017.

Messi waa waayo arag maanta. Waa hogaamiye. Waa uu garanayaa waxa uu u baahan yahay inuu sameeyo marka uu garoonka ku jiro.

Advertisements

Ka soo bilow Pep Guardiola ilaa Tito Vilanova ilaa Tata Martino, Luis Enrique iyo Ernesto Valverde, Messi wax badan ayuu isbedelay.

Laakiin waxa kaliya ee aan weli isbedelin waa inuusan weli koob la qaadin xulka Argentina waana qoomamada kaliya ee uu qabo.

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII