Isku diyaarinta chelsea ee xilli ciyaareedka cusub ayuu khal-khal wajahay kadib markii uu xanuunka Korona ka dhex dilaacay kooxda dhexdeeda.

Kooxda Blues ayaa xaqiijisay in dhawr xiddig lage helay xanuunka Korona waliba karantiil la galiyay xiddigahaas si loo yareeyo halista faafista xanuunka.

Xiddigaha Chelsea ayaa baadhitaan lagu sameeyay todobaadkii hore ka hor dib u bilaabista tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin natiijada soo baxday ayaa muujisay in ay dhawr xiddig oo kooxda 1-aad ah in ay u baahanyihiin in ay karantiil galaan.

Dhacdadan ayaa chelsea ku qasbaysa in ay gabi ahaan joojiso kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee u qorshaysnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here