Jack Grealish Oo Lagula Taliyay Inuu Ku Biiro Mid Ka Mid Ah Kooxaha Ugu Guulaha Badan Dalka Ingiriiska.

Advertisements

Kabtanka Aston Villa Jack Grealish ayaa lagula taliyay inuu ku biiro kooxda u sharraxan iney hanato horyaalka Premier League ee Liverpool kadib markii ay soo baxeen warar xan ah oo xiddigaan la xiriirinaya kooxaha ugu waaweyn yurub.

Xiddigaan tayada wanaagsan ee qaranka England ayaa wacdaro soo jiitay indhaha kooxo badan kusoo bandhigay Aston Villa, waxaana aad loogu dhaweynayaa kooxda Man United oo isha ku heysa iney xagaaga soo aadan suuqa si fiican uga dukaameysato.

Agbonlahor oo 86-gool u dhaliyay Aston Villa ayaa aaminsan in ku biirista Liverpool ay tahay dooqa ugu wanaagsan uu sameyn karo Jack Grealish.

“Kaliya uma dhahayo inaan isaga la ciyaaray, balse sida daacadda ah waxey ila tahay inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe weerarka kuwooda ugu fiican ee England laga heli karo wakhtigaan” ayuu Agbonlahor u sheegay Daily Star.

Advertisements

“Waana sababta ay dadka u dhahaan Grealish oo u socda United, wax badan wuu ku sameyn karaa halkaas, koox walba ayuu u socdaali karaa oo dunida ah sida Barcelona ama Juventus, marka aan ka hadalno halka ay Man United joogto waxaa u wacan inuu aado koox kale oo dunida ah”

|Sidaas darteed uma baahna inuu naftiisa ku xadido kaliya United, waa inuu diirada saaro kooxaha ciyaari kara Champions League, waa cad yar oo ka maqan kooxo badan wakhtigaan, waan daawaday Liverpool, waa koox aan caadi aheyn balse waxaa ka maqan xiddig isaga oo kale ah”

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII