Agaasimaha Shakhtar Donetsk Carlo Nicolini ayaa ku adkeystay in Arsenal ay qasab ku tahay inay bixiso mid la mid ah lacagtii ay Man City ka bixisay xiddiga Jack Grealish si ay u hesho xiddiga Mykhaylo Mudryk.

Arsenal ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga Mykhaylo Mudryk kaas oo uu Mikel Arteta doonayo in uu ku xoojiyo weerarkisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Gunners ayaa dalab 40 milyan oo euro iyo 20 guno ka gudbisay xiddiga Mykhaylo Mudryk si ay u helaan saxiixiisa suuqa kala iibsiga January.

Si kasta ha ahaatee Agaasimaha Shakhtar Donetsk Carlo Nicolini ayaa u sheegay Arsenal in ay bixiso lacagtii ay Man City ka bixisay Jack Grealish hadii ay doonayso saxiixa Mykhaylo Mudryk.

“Xiddigo badan ayaa la iibiyay arintaasna waxba kama duwanin anagu, Mudryk Waa la iibinayaa laakiin waxa aan u baahanahay lacag dhan 100 milyan oo euro”.

“Agaasimeheena ciyaaraha wuxuu yiri, si aan u iibino Mudryk, waxaan u baahanahay dalab ka dhow mid ku dhaw Grealish”ayuu sii raaciyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here