Jack Wilshere ayaa ku booriyay xiriirka kubada cagta Ingariiska inay u dhaqaaqaan tababaraha kooxda Newcastle United si ay ugu badalaan tababaraha haatan xulka Hogaamiya ee Gareth Southgate.
Southgate ayaa ka fiirsanaya mustaqbalkiisa seddexda libaax ka dib markii xulku wareega 8 dhamaadka kaga hadhay koobka adduunka.
Inkasta oo uu 2 sano ka dhimanyahay heshiiskiisa Xulka England Southgate ayaa laga yaabaa in uu isaga tago xulka qaranka England ka hor bilaabashada tartanka Euro-da.
Sidaas darteed xidhiidhka FA-ga ayaa raadinaya badalka Southgate hadii uu go’aansado in uu tago xulka qaranka England.
Tababarayaasha Thomas Tuchel, Mauricio Pochettino iyo Brendan Rodgers ayaa ka mid ah tabababarayaasha ugu cad-cad in ay noqdaan tababaraha xulka Engaldn.
Laakiin Wilshere ayaa xidhiidhka FA-ga u sheegay in ay u dhaqaaqaan tababaraha kooxda Newcastle United ee Howe maadama uu yahay mid munaasib ku ah xilka xulak England.
“Haddii Gareth Southgate uu ka tago shaqada England, waxaan jeclaan lahaa FA-ga inay isku dayaan inay helaan Eddie Howe,” Wilshere ayaa u sheegay Sun.
“Waan ogahay sida uu Eddie u fiican yahay waqtigeyga Bournemouth laakiin dadku waxay la yaaban yihiin haddii uu tallaabadaas u qaadi karo xul weyn”.
“Hagaag, hadda waxa uu Newcastle ku soo bandhigay sida uu ugu xeel dheer yahay horumarinta ciyaartoyga, waxaana uu u beddelayaa kuwa u tartamaya horyaalka”.