Jack Wilshere ayaa uga digay England saaxiibkiisii ​​​​hore ee Arsenal Olivier Giroud kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya xulka France koobka adduunka.

Giroud ayaa taariikh ka sameeyay koobka aduunka 2022, isagoo noqday gooldhaliyaha abid ugu goolasha badan France ka dib guushii 3-0 ay ka gaareen Poland wareega 16ka Axadii.

36 jirka weerarka uga ciyaara AC Milan, una ciyaari jiray Arsenal iyo Chelsea Premier League, ayaa dhaliyay seddex gool afartii kulan ee France uu ku ciyaaray Qatar.

Giroud ayaa ka caawiyay AC Milan in ay ku guulaysato horyaalka Seria A xilli ciyaareedkii hore – isaga oo dhaliyay 23 gool 57 kulan oo uu ciyaaray – waxana uu isku dayi doonaa in uu sabtida koobka ka reebo xulka England.

Xidigii hore ee khadka dhexe ee Gunners Wilshere ayaa amaanay xiddiga reer France sida uu u sheegay The Sun:”Ka waran saaxiibkeygii hore ee Arsenal Olivier Giroud”.

“Haddii ay wax jiraan, weeraryahanka AC Milan waa uu fiicnaaday tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay Italy oo uu ka tagay Premier League halkaas oo uu ku dhibtoonayay inuu ku soo bilowdo”.

“Waxa uu ku jiraa bartamaha 30-meeyadii laakiin waxa uu ku jira qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa waxana uu si cajiib ah u dhaliyay goolkii uu ka dhaliyay Poland”.

 



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here