Xiddiga jadan Sancho ayaa laga yaabaa in uu isaga tago kooxda Man United suuqa January iyada oo uu Erik Ten Hag ka shaking qabo in uu xiddigu gaadhi karo heerka ugu sareeya xirfad ahaan.

Man United ayaa 73 milyan ka soo bixisay Sancho sanadkii hore iyaga oo kala soo wareegay kooxda Borussia Dortmund.

Xiddiga reer England ayaa ku dhibaatooday in uu la qabsado Man United iyo Premier league taas oo keentay in uu waayo booskiisii xulka England ee koobkii adduunka.

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa dhawaan sheegay in sancho uuna taam u ahayn in uu u ciyaaro kooxdiisa ka hor dib u bilaabashada xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay TEAMtalk, Sancho ayaa suuqa January si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro.

Sancho ayaa qaab amaah ah uga tagi kara United maadama ayna suurtagal ahayn in uu qaab toos ah uga tago kooxda.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here