Halyeyga Liverpool Jamie Carragher iyo xiddigii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa isku raacay booska kooxda Liverpool ee xilli ciyaareedkan.

Labada khabiir ayaa sheegay in kooxda Jurgen Klopp xilli ciyaareedkan seegi doonto u soo bixista tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda 19-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska ayaa ku jirta qaab ciyaareed xun xilli ciyaareedkan iyaga oo helay 29 dhibcood 19 kulan oo ay ciyaareen waxana ay haatan ku jirtaa kaalinta 9-aad ee kala saraynta premier League.

Manchester United oo ku jirta kaalinta afaraad ayaa 10 dhibcood ka sareysa, inkastoo ay kulan ka badan ciyaartay.

Carragher iyo Neville ayaa saadaaliyay 4-ta koox ee ku dhamaysan doona 4-ta boos ee ugu horeeya horyaalka premier league waxana ay kooxaha Arsenal, Man City, Man United U saadaaliyeen 3-da boos ee ugu sareeya.

Laakiin waxa ay isku khilaafeen kaalinta 4-aad iyada oo Neville Kaalintaas u saadaaliyay kooxda Tottenham halka Carragher u saadaaliyay Newcastle.

Si kasta ha ahaatee labada khabiir ayaa isku raacay in ayna Liverpool ku soo bixi doonin 4-ta boos ee ugu saraysa.

“Maya, uma maleynayo in Liverpool ay geli doonto afarta sare.”ayuu Neville yidhi.

“Imisa dhibcood ayaad odhan kartaa koox uma soo bixi karto champions League, haatan Liverpool 10 dhibcood ayay ka dambaysaa kaalinta 4-aad sidaas darteed uma soo bixi doonaan 4-ta boos ee ugu sareeya”ayuu Carragher sii raaciyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here