Jamie Carragher iyo Gary Neville ayaa labaduba taageeray heshiiska ay Liverpool kula soo wareegayso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara iyada oo Neville sheegay in imaatinkiisa Anfield noqon doonto wax weyn.

Reds oo ku guulaystay horyaalka Premeir League xilli ciyaareedkii hore ayaa ilaa haatan hal saxiix samaysay kaas oo ah daafaca Bidix ee ay kala soo wareegtay kooxda Olympiacos ee Kostas Tsimikas.

Xiddiga Thiago Alcantara ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Liverpool Carragher iyo Neviile ayaana rumaysan in uu wax weyn ku soo kordhin doono Reds.

Kabtankii hore ee Liverpool Carragher ayaa u sheegay Sky Sports: ‘Liverpool waxa Ay hasataa hal koox ku dhawaad 3 sano”.

“Mararka qaar waxa aad u baahantahay saxiixyo cusub in aad ku soo darto kooxda si ay qalbi ahaan u taageeraan xiddigaha kale”.

“Waxa ay noqon doontaa mid xiiso leh hadii la arko in ay saxiix ama 2 sameeyaan”.

Halyeeyga Man United ayaa ku daray”In ay koox wada joogaan isku xiddigo, isku fariin, isku xidhiidh, isku kaftan muddo 3 sano ah iyada oo aan xitaa wax yar laga badalin waxa ay marar qaar noqon doontaa dhibaato”.

“Waxan u malaynayaa imaatinka Thiago ee Liverpool in uu noqon doono wax weyn sababta oo ah waxa uu meesha ka saarayaa dhibaatada kor ku xusan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here