Jamie Carragher ayaa xiddiga Liverpool ee Nunez ku tilmaamay ‘dheeman qallafsan’ isaga oo sheegay in aanu doonayn in uu ka hor tago weeraryahanka Liverpool sababta oo ah orodkiisa.

Nunez ayaa khasaariyay fursado badan kulankii ay Liverpool laga reebay tartanka Carabao cup-ka guuldaro 3/2 ah oo ay kala kulantay Man City.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa orod waali ah ku dhaafay daafacyada Man City waxana uu caawiye ka noqday goolkii uu Mohamed Salah dhaliyay.

Liverpool ayaa laga reebay koobka Carabao cup-ka waxana door muhiim ka qaatay fursadihii uu Nunez khasaariyay.

Laakiin Carragher ayaa amaanay xiddiga reer Uruguay waxana uu ku tilmaamay xiddig dheeman ah.

“Waa dheeman qalafsan, marna ma soo bandhigi doono qaab ciyaareed aamusan, ama waxa uu dhalin doonaa gool ama waxa uu khasaarin doonaa fursado badan”.

“Ma ahan xiddig xirfad leh dhinaca dhamaystirka fursadaha, laakiin waxa jira tayo uu leeyahay waxana uu xiddig walba ka wal-wali doonaa orodkiisa badan”



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here