Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa saadaaliyay in Barcelona ku guuleysan doonto tartanka UEFA Champions League.

Barcelona ayaa bilaabeysa Champions League xilli ciyaareedkan iyadoo la ciyaareysa kooxda martida loo yahay ee Newcastle United, habeenka Khamiista ee soo socota, taasoo qayb ka ah kulamada wareega koowaad ee group-yada, waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka St. James’ Park.

Carragher ayaa hadallo uu bixiyay oo ay soo xigatay warbaahinta “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ku yiri:

“Kooxda ugu weyn ee loo saadaalinayo ku guuleysiga Champions League waa Barcelona. Runtii aad ayaan ula dhacay qaab ciyaareedkooda xilli ciyaareedkii hore, waxaan aaminsanahay inay mar kale meel fog gaari doonaan.”

Wuxuu sii watay hadalkiisii daaficii hore ee xulka Ingiriiska isagoo yiri:

“Waxaan aaminsanahay in Liverpool ay sidoo kale gaari doonto finalka, waxa uu noqon doonaa final cajiib ah — Barcelona iyo Liverpool.”



Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here